Wiil soomaali ah oo kufsi ku eedeysan oo maxkamada ay 2 sano ku xukuntay

0
109

Wiil soomaali 20 sano jir ah, isla markaana qoxootinimo kusoo galay Norway xili aan dheereyn, ayaa lagu xukumay 2 sano oo xabsi ah, kadib markii ay maxkamad ku heshay danbi lagu eedeeyay oo ahaa inay kufsi u geystay haweenay Norwiiji ah.

Falkan ayaa bishii Maarso ee sanadkii hore ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Gardermoen. Waxeyna haweeneyda la kufsaday sheegtay inay xiligaas garoonka ku sugeysay saaxiibkeed oo diyaarad kasoo dagi lahaa. Iyada oo maxkamada ka hor sheegtay in wiilka soomaaliga ah markii hore uu isku dayay inuu la sheekeysto, kadibna uu weydiiyay inay Telefoonkeeda siiso, isla markaana ay barta Facebooga saaxiibo ku noqdaan. Arintaas oo haweeneydan ay sheegtay inay ka diiday, kadibna uu isku dayay inuu dhunkado, markii danbena uu si xoog ah kufsi ugu geystay.

Booliska ayaa isla habeenkii uu falkan dhacay ninkan soomaaliga ah kasoo qebtay xerada uu ku sugnaa, iyada ay sheegeen inuu qirtay falka kufsiga ah ee lagu eedeeyay.

Wiilkan soomaaliga ah ayaa maxkamada horteeda ka sheegay in qaar kamid ah qirashadii uu qirtay danbiga lagu eedeeyay ay aheyd qalad turjumaan, isla markaana iska fogeeyay falka kufsiga tooska ah ee lagu eedeeyay.

Waxaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo 120.000 NOK oo uu magdhow u siiyo haweeneyda kufsiga loo geystay.

Xigasho/kilde: TV2.NO, RB.NO

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments