Oslo: Qiimaha isbaarada sharciyeysan ee baabuurta (bom) oo kor u kacay.

0
107

Maalintii shaley aheyd waxaa magaalada Oslo ka dhaqan galay xeer cusub oo kor loogu qaadayo qiimaha isbaarooyinka sharciyeysan ee baabuurta(bom). Iyada oo golaha deegaanka Oslo ay sheegeen in ujeedada ka danbeysa kordhinta qiimaha bomka uu yahay, in 20-25% la dhimo baabuurta lagu wato bartamaha magaalada.

Qiimaha cusub:

Hadii aad baabuur ku shaqeeyo «Diesel»  ku wadato bartamaha magaalada Oslo xiliyada zaxmada ee maalmaha shaqada caadiga ah, waxaa qiimaha cusub ee «Bomka» laga dhigay 59 Nok, waxaana lagu kordhiyay 24 NOK. Xiliyada zaxmada ayaa ah inta u dhaxeyso 06:30 ilaa 09:00 iyo 15:00 ilaa 17:00. Wixii ka baxsan xiliyada zaxmada ee maalmaha caadiga ah, waxaa qiimaha «bomka» laga dhigay 49 nok.

Hadii aad baabuur nafto ku shaqeeyo ku wadato bartamaha Oslo xiliyada zaxmada ee maalmaha caadiga ah, waxaa qiimaha cusub ee bomka laga dhigay 54 Nok. Wixii ka baxsan xiliyada zaxmada, waxaa qiimaha cusub laga dhigay 44 Nok.

Inaad shan maalin baabuur ku wadato magaalada Oslo, waxaa bom kaliya kaaga bixi doono lacag u dhaxeyso 270 ilaa 290 NOK.

Waxaa intaas sii dheer dadka baabuurta ku dhex wado Oslo iyo Bærum, oo iyaga  laga qaadi doono 18 Nok oo dheeri ag. Hadii aad galbeedka Oslo baabuur kasoo wadato baabuur, waxaa qiimaha cusub ee isbaarada sharciyeysan laga dhigay 75(Diesel) ama 72(Bensin).

Siyaasiyiinta Oslo ayaa rajeynayo in yaraadaan dadka adeegsada baabuurta caadiga ah, isla markaana ay kor u kacdo tirada dadka adeegsada gaadiidka dadweynaha.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments