Oslo: Kasoo qeybgal baroordiiq loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

0
164

Waxaa maalinta jimcaha ah ee nagu soo aadan(27-10-2017) magaalada Oslo ka dhici doono kulan balaaran oo baroordiiq loogu sameyn doonto dadkii ku waxyeeloobay qaraxii sabtidii lasoo dhaafay kadhacay magaalada Muqdisho.

Waxaana lagu wadaa in kulankaas ay kasoo qeybgalaan masuuliyiin katirsan dowlada Norway iyo kuwa golaha deegaanka Oslo, gudiga masaajidka Towfiiq iyo guud ahaan jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Kulankan ayaa ka dhici doono hoolka shirarka ee xaafada Tøyen(Aktivitetshuset K1) maalinta jimcaha ah ee nagu aadan.

Taariikhda: 27-10-2017. Saacada:16:00 til 20:00.

Goobta/Adresska:Kolstadgata 1, 0652 Oslo.

Wixii faah-faahin dheeri ah kala xiriir: 41404372 ama 94841977.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments