Obama oo ku biiraya xeerbeegtida gobol ka mid ah Mareykanka

0
150

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa loogu yeeray in uu ka mid noqdo xeerbeegtida gobolka Illinois ee dalkaasi, waxaana sida la sheegay Obama uu qorsheynayaa in uu shaqadaasi qabto.  Ilaa iyo hada lama shaacin macluumaad badan oo arrintan ku saabsan balse Obama ayaa la filayaa in bisha soo socota uu ku biiro xeerbeegtida magaalada Cook.

Obama oo 56 sano jir ah ayaa guryo deegaan ku leh magaalooyinka Washington DC iyo Chicago, waxaana sharciyan loogu yeeri karaa in uu ka qeyb qaato dhageysiga dacwado madani ah iyo xitaa kuwo dambiyada la xiriira.

Barack Obama ayaa ka qalinjebiyay kulliyadda sharciga ee jaamacadda Harvard, waxa uuna culuunta sharciga muddo 12 sano ah ka dhigayay kulliyada sharciga ee Jaamacadda Chicaqo, ka hor inta uusan ku biirin aqalka Senedka ee Mareykanka. Waxa uu sidoo kale ahaan jiray qareen u dooda xaquuqul insaanka.

Xubnaha xeerbeegtida degmedaas ayaa 17.25 doolar mushaar ahaan u qaata maalin kasta oo ay shaqeeyaan.

Tan iyo markii uu xilka ka degay bishii Janaayo ee sanadkan, Obama waxa uu dalxiis u joogay waddamo badan oo ay ka midyihiin Induniisiya.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments