NRK: Haweeney u dhalatay Mareykanka oo magangalyo weydiisatay Norway!

0
129

Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka, isla markaana horey u ahaan jirtay diblumaasi katirsan dowlada Mareykanka ayaa magangalyo iyo amaan siin ka codsaday dowlada dalkan Norway, kadib markii ay sheegtay inay u cabsaneyso nafteeda.

Haweeneydan oo hada ku sugan xero qoxooti oo kutaal Trøndelag ayaa horey uga tirsaneyd dowlada USA, waxeyna ka shaqeyn jirtay shaqoooyin la xiriira xuquuqda dumarka iyo caruurta. Waxeyna sheegtay in loogu hanjabay dalkeedii Hooyo, isla markaana labo mar la xiray sabab la´aan.

Sida ay haweenedyan u sheegtay NRK, waxey arintan dhacday, kadib markii ay dagaal u gashay sidii ay dib u heli laheyd ilmo ay iyadu dhashay oo nin ciidanka Mareykanka katirsan uu ka dhalay. Waxeyna raacisay inay Norway u weydiisatay magangalyo, maadaama ay Norway sharci ahaan arimahaas kaga fiicantahay caalamka intiisa kale.

UDI oo diiday codsigeeda:

Hey´ada socdaalka iyo jinsiyadaha Norway ayaa diiday codsiga magangalyada haweeneydan, laakiin waxey racfaan ka qaadatay go´aanka UDI-da ee diidmada codsigeeda magangalyada.

Waxeyna sheegtay in Norway ay aad u rumeysantahay Mareykanka, mar walbana ay arintaas aheyn mid sax ah.

Ole Moen oo  khabiir ku ah arimaha Mareykanka ayaa dowlada Norway uga digay inay dhayalsato codsiga haweeneydan, isla markaana aan la arkin looga aamusin, iyada la eegayo xiriirka wanaagsan oo Norway la leedahay USA.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments