Da´da 18-ka, waa mid aad muhiim ugu ah dhalinyarada kunool dalkan Norway ama guud ahaan wadamada galbeedka. Waa da´da ay sharci ahaan qaangaaraan, isla markaana ay fasax u helayaan waxyaabo badan oo aan horey loogu ogoleyn, sida inay leysinka baabuurka qaadan karaan iyo inay codka dhiiban karaan xiliyada doorashada.

Maalinta ay dhalinyaradu sharci ahaan gaaraan 18 sano, waxey inta badan dhigtaan xaflado ay ugu dabaal gayaan isbadalka weyn ee noloshooda kusoo kordhay. Laakiin 300 oo dhalinyaro intooda badan wadanka Afgaanistaan kasoo jeedo oo Norway kunool, waxey buuxinta 18-ka sano uga dhigantahay cabsi iyo wel-wel. Warbaahinta Norway ayaa isbuucyadan aad u hadalheysay xaalada murugada leh ee soo wajahday boqolaalkaas dhalinyarada ah.

Magangalyo da´da ku xiran: 

Norway ayaa dhamaadka sanadkii 2015 soo rogtay sharci cusub oo ah in dhalinyarada ay da´doodu u dhaxeyso 16 ilaa 18-ka sano la siiyo magangalyo kumeel gaar ah, kadibna magangalyadooda dib loo qiimeeyo marka ay 18 sano buuxiyaan, dibna loogu celiyo wadankoodii marka ay qaangaaraan. Dhalinyarada ugu badan ee uu sharcigaas qabtay ayaa kasoo jeedo dalka Afgaanistaan.

Dowlada Norway ayaa xiligaas sheegtay in arintaas looga hortagayo in caruur aan qaangaarin loo soo dirsado Yurub, naftoodana la galiyo halis, si ay qoysaskoodu ugu dacwoodaan marka ay magangalyo ka helaan wadan Yurub ah.

Ku dhawaad kala bar kamid ah dhalinyaradan ayaa bishan buuxin doono 18-sano, waxeyna qaar badan oo kamid ah halis ugu jiraan in si qasab ah loogu celiyo Afgaanistaan oo ay kasoo qaxeen.

Qaramada midoobay, ururada qoxootiga ee caalamiga ah iyo kuwa Norway, hey´ada xuquuqda aadanaha iyo waliba hey´ada gacanyta ku hayo xeryahay qoxootiga ayaa qeylo dhaan isdabo joog ah bilihii ugu danbeeyay kasoo saarayay xaalada dhalinyaradaas. Waxeyna dowlada Norway ka codsanayeen in dhalinyaradaas la siiyo magangalyo rasmi ah, ama ugu yaraan aan xiligan dib loogu celin wadankoodii.

Qaar kamid ah dhalinyaradaas ayaaba mar hore ka baxsaday kaamamka Norway, iyaga oo ka cabsi qabo in dib loogu celiyo Afgaanistaan, waxeyna u qaxeen wadamada kale ee Yurub.

Waxaa laga yaabaa inuu isbadal dhaco:

Xisbiga shaqaalaha oo kamid ahaa xisbiyadii saxiixay heshiiska sharcigaas baarlamaanka lagu ansixiyay sanadki 2015-ka, ayaa dhawaan sheegay inay dib u fiirin doonaan saameynta sharcigaas. Sidoo kale xisbiyada KRF iyo Venstre ayaa dowlada ay taageeraan ku cadaadinayo inay arintaas dib uga noqdaan. Hadii sadexdaas xisbi ay isku raacaan arintaas, waxaa dhici karto in sharcigaas uu isbadal ku yimaado.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz