Norway oo kordhisay deeqda ay siiso dowladaha soo koraya.

0
101
R.W Soomaaliya iyo Wasiirka arimaha dibada Norway

Dowlada Norway oo shaley soo bandhigtay miisaaniyada sanadka 2018-ka, ayaa sheegtay inay kordhisay deeqaha caalamiga ah oo ay siiso wadamada soo koroyo. Si gaar ah waxay Norway u xustay inay kordhin doonto lacagta joogtada ah oo ay ku taageerto dowladaha u nugul colaadaha oo ay Soomaaliya safka hore kaga jirto.

Norway ayaa sheegtay in sanadka soo socdo ay 35,1 bilyan NOK ku bixin doonto mucaawinada wadamada soo korayo, Waxeyna 1,3 bilyan ka badantahay deeqdii ay Norway bixisay sanadkan 2017.

35,1 bilyan ayaa ka dhigan 1% miisaaniyada guud ee Norway ee sanadk 2018.

Soomaaliya ayaa kamid wadamada sida joogtada ah ay Norway u siiso mucaawinada. Waxeyna Soomaaliya kamid tahay 24 wadan oo Norway ay sanadkan si toos ah ula shaqeyn doonto.

Waxaa xusid mudan in lacagahan intooda badan aysan toos ugu tagin dowladaha ay ku magacaabanyihiin, balse inta badan lasii mariyo hey´adaha U.N-ka iyo kuwa Norwiijiga ah ee ka shaqeeyo arimaha gargaarka iyo dib u dhiska dalalka lacagaha magacooda lagu bixiyo.

Xigasho/kilde: Framtida.no, Bistandaktuelt.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments