Norway: Dowlada oo taageerada dhaqaale ka joojin doonto dalada midowga ururada islaamiga ah

0
91

Wasaarada dhaqanka dalkan Norway ayaa muran iyo isjiid-jiid dheer kadib, ugu danbeyn sheegtay inay taageerada dhaqaale ka joojin doonto dalada midowga ururada islaamiga ah ee IRN. Dowlada ayaa IRN sanadkii ku taageeri jirtay lacag dhan 1,3 milyan NOK, lacagtaas oo dowladu ay hada sheegtay inay ka jari doonto IRN.

Dooda ku saabsan IRN ayaa bilihii ugu danbeeyay oo dhan ka socotay warbaahinta dalka Norway, waxeyna aad u xoogeysatay kadib markii ay IRN ay shaqaaleysiiyeen gabar indho-shareer xiran.

Shirkada hilibka ee Nortura ayaa maalmo kahor iyadna sheegtay inay joojin doonto xiriirka wadashaqeyn ee kala dhexeeyay IRN, kuna saabsanaa bixinta ruqsada xalaaleynta hilibka. Wada shaqeynta IRN iyo Nortura ayaa waxaa IRN kasoo gali jiray lacag dhan ku dhawaad hal milyan nok.

Nortura ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay iyagu iskood usii wadi doonaan qalitaanka hilibka ay sheegeen inuu yahay xalaal, ayna rajeynayaan in muslimiintu ay ku kalsoonaadaan, iyaga oo IRN soo marin.

Culeysyo kale:

Dalada ururada islaamiga ah ee Norway, ayaa waxaa baryihii ugu danbeeyay soo foodsaaray culeysyo badan oo kaga imaanayay masaajidada xubnaha ka ah dalada iyo waliba dowlada. Waxaana usii dheer warbaahinta Norway oo si guracan mar walba uga hadasha IRN iyo shaqooyinka ay qabato.

Dhowr masaajid oo katirsan dalada ayaa sheegay inay ka baxeen IRN, waxeyna qaarkood sheegeen inay ku dhawaaqi doonaan dalad cusub oo gaar ah.

Dowlada Norway oo hada xujeysan:

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay aad loo hadalhayay ururka HRS oo ah urur ay leeyihiin kooxo xagjir ah, isla markaana ay horboode u tahay haweeneyda lagu magacaabo Hege Storhaug. HRS ayaa maamulo webka Rights.no, waxeyna kusoo bandhigaan qoraalo inta badan looga soo horjeedo, laguna dhaleeceeyo soo galootiga muslimiinta ah.

Dowlada Norway ayaa lacag dhan 1,8 milyan ku taageerto HRS, waxaana maalmihii ugu danbeeyay aad loo dhaleeceynayay in dowladu ay lacag intaas le´eg ku bixiso urur ka shaqeeyo sawir xumeynta soo galootiga. Xisbiyada Høyre iyo FRP ayaa aad u taageersan in ururka la siiyo lacagta taageerada ah.

Su´aashu waxa ay hada tahay: Hadii IRN ay dowlada Norway lacagta ka jartay, HRS malaga jari doonaa mise?

Xigasho/kilde: VG.NO, Nortura.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments