Madaxii hore ee sirdoonka Denmark: Wasiirada soo galootiga waxey khatar galineysaa amaanka guud ee dalka

0
146

Isbuucii hore ayey aheyd markii wasiirada arimaha soo galootiga dalka Denmark, haweeneyda lagu magaacabo Inger Støjbergs ay bogooda Facebooga soo dhigtay sawir gacmeed lagu aflagaadeynayo Nabi Muxamed NNKH. Waxeyna raacisay qoraal dheer oo ay ku amaaneyso qiimaha uu sawirkaas u leeyahay xoriyada hadalka iyo qayimka dimuqraadiyaha wadamada galbeedka.

Madixii hore ee hey´ada sirdoonka Denmark(PET), Hans Jørgen Bonnichsen ayaa canbaareyn dusha uga tuuray falka ay ku kacday wasiiradaas, wuxuuna sheegay inay khatar galineyso amaanka dadweynaha Denmark. Ayna Denmark ka dhigeyso hadaf ay kooxaha argagixisada ah beegsadaan, maadaama sawirada aflagaadada nabi Muxamed «NNKH» ay kamid yihiin waxyaabaha ay aadka ugu kasbadaan quluubta dhalinyarada muslimiinta ah ee galbeedka kunool.

Hans Jørgen Bonnichsen ayaa raaciyay in dadweynaha reer Denmark aysan ku hoos nooleyn ilaalada hey´ada sirdoonka, sida wasiirada iyo madaxda kale ee dowlada. Sidaas darteed uu ficilka wasiirada soo galootiga uu halis galinayo amaanka goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan ama ku kulmaan.

Madaxii hore ee hey´ada sirdoonka ayaa sidoo kale sheegay in wasiiradu ay si qaldan u adeegsaneyso xoriyada hadalka. Wuxuuna sheegay in qofka masuulka ah ay tahay inuu ka dhowrsado falalka keeni karo inay ka dashaan falcelin xun ama cawaaqib xumo.

Warbaahinta Denmark iyo kuwa kale ee caalamka ayaa maalmihii lasoo dhaafay si aad ah u hadalhayay falka ay ku kacday wasiirada soo galootiga Denmark. Wargeysyada caalamka ayaa bogaga hore ku daabacayay sheekada wasiirada Denmark ee Facebooga soo dhigtay sawir gacmeedka lagu aflagaadeynayo nabi Muxamed NNKH.

Hans Jørgen Bonnichsen oo sirdoonka Denmark madax ka ahaa xiligii lasoo daabacay sawiradii aflagaada Nabi Muxamed ee sanadkii 2005, ayaa sheegay inuu mar uun rajo ka qabay in la ilaawo cadaawada ka dhalatay sawiradaas, si looga gudbo. Laakiin soo celinta sawirkaas ee wasiirada uu yahay mid mar kale si toos ah khatar u galinayo amaanka guud ahaan dadweynaha Denmark.

Xigasho/kilde: Altinget.dk

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments