Ku dhawaad 10.000 soomaali ah ayaa sanadkii lasoo dhaafay magangalyo weydiistay Germany!.

0
686

Tirokoob guud oo lagu sameeyay tirada dadka wadankoodii qoxootinimada uga baxay sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, ayaa lagu sheegay in 36,656 qof oo soomaali ah ay wadankoodii ka qaxeen sanadkii lasoo dhaafay(waa tirada la ogyahay ee diiwaan-gashan).

Dalka Germany ayaa kaalinta koowaad kaga jiro dalalka ay soomaalidu aadka ugu qaxday sanadkii ugu danbeeyay, waxaana dalkaas galay 10.000 qof oo soomaali ah, una dhalinyaro. 1825 kamid ah dadkaas ayaa ilaa hada helay sharciga magangalyada, halka inta kalena ay intooda badan yihiin jawaab sugayaal.

Dalalkaa Uganda, Masar, Italia iyo Kenya ayaa iyagana kamid ah wadamada ay Soomaalidu aadka ugu qaxeen.

Dalkan Norway, waxaa sanadkii lasoo dhaafay magangalyo ka helay 134 qof oo soomaali ah.

Dalalka ay soomaalidu u qaxeen ayaa waxaa kamid dalal aadan horey ugu fakirin inuu qof soomaali ah kunool yahay, waxaana kamid ah Nepal, Gautamala iyo Filipiin.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments