Italy: Magafe soomaali ah oo xabsi daa´in lagu xukumay

0
196

Maxkamad kutaal magaalada Milano ee dalka Talyaaniga ayaa xabsi daa´in ku xukuntay Cismaan Maxamed oo ah magafe soomaali ah, kaas oo la shaqeyn jiray qowleysatada tahriibayaasha ku afduubta, kuna jirdal wadanka Libya.

Ninkan ayaa kamid ah magafayaasha dadka ku afduubta Libya, kadibna madaxfurashada ka dalbada qoysaskooda. Waxeyna maxkamadu  ku heshay tobonaan danbi oo lagu soo eedeeyay, kuwaas oo ay ugu  xoog badnaayeen dil iyo kufsi wadareed uu u geystay gabdho soomaali ah.

Booliska Talyaaniga ayaa ninkan sanadkii hore kasoo qabtay xarun dadka qoxootiga ah lagu soo dhaweeyo oo kutaal Milan, waxaana markiiba aqoonsaday oo booliska ku wargaliyay qaar kamid ah dadkii uu soo jirdilay.

17 qof oo kamid ahaa dadkii uu Libya ku jirdilay iyo gabadhihii uu ku kufsaday ayaa ninkan maxkamada ku markhaati furay.

Xigasho/kilde: Telegraph.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments