IOM: Dad badan oo kasoo jeedo Soomaaliya iyo Ethopia ayaa wali u tahriibo dalka Yemen !

0
136

Inkasta oo dagaalo galaaftay nolosha kumanaan qof ay wali ka socdaan dalka Yeman, hadana hey´ada IOM ayaa sheegeyso inay wali jiraan dad doomo tahriib ah ku galo dalkaas. Dadkan ayay IOM sheegtay inay kasoo jeedaan wadamada Ethopia iyo Soomaaliya, waxeyna Yemen uga sii gudbaan dalalka khaliijka oo ay shaqooyin u doontaan.

IOM ayaa sheegtay in dadka ay la kulmaan dhibaatooyin badan, isla markaana lagu dhibaateeyo socdaalkooda tahriibta. Waxaana la sheegay in dadkan lagu afduubto marka ay Yemen soo gaaraan, isla markaana qoysaskooda laaga dalbado lacag madax furasho ah.

Dalka Yemen ayaa waxaa wali ka socdo dagaalo sokeeye oo galaaftay nolosha kumanaan qof, iyada xulufada sucuudiga uu hogaamiyo ay si maalinle ah dalkaas duqeyn xaga cirka ah uga geystaan.

Bilo kahor ayay aheyd markii dooni ay saarnaayeen qoxooti soomaali ah lagu duqeeyay xeebaha dalka Yeman, waxaana markii danbe cadaatay in xulafada sucuudiga ay ka danbeeyeen duqeyntaas.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments