Hareide oo sheegay inuu wada hadal la furi doono Jonas G. Større

0
212
Gudoomiyaha KRF:Knut Arild Hareide

Isbuucii hore ayuu xisbiga KRF sheegay inay isaga baxeen wada hadaladii ay kula jireen xisbiyada xukuumada Erna Solberg, waxeyna sheegeen inay doorteen inay mucaarad noqdaan. Gudoomiyaha xisbiga KRF, Knut Hareide ayaa maanta sheegay inuu la kulmi doono gudoomiyaha xisbiga Ap, Jonas Gahr Støre, ayna furi doonaan wadahadaolo cusub.

Hareide ayaa sheegay inuu si sii wado doono kulamada uu la qaadanayo Erna Solberg iyo waliba Jonas Gahr. Wuxuuna cadeeyay iney iyagu go´aansadeen inay mucaarad noqdaan, balse ay qodobada u muhiimka ah xisbigooda ay kala hadli doonaan xisbiyada  xukuumada Solberg ku mideysan.

Inkasta oo KRF ay sheegeen inay ku biireen mucaaradka, hadana waxey sheegeen inaysan hada diyaar u aheyn inay ka qeybqaataan riditaanka xukuumada Solberg.

Dhawaan waxay xukuumadu soo bandhigi doontaa miisaaniyada sanadka 2018, waxaana bilaaban doonto dood adag oo miisaaniyada ku saabsan. Taas oo hadii xisbiyadu ay isku fahmi waayaan, keeni karto in xukuumada Solberg ay galbato inta aan la gaarin sanadka cusub.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments