Hamar: Wiil soomaali ah oo maxkamada ay 9 sano oo xabsi ah ku xukuntay

0
125

Maxkamada darajada sadexaad ee magaalada Hamar ayaa maanta sagaal sano oo xabsi ah ku xukuntay wiil soomaali ah, kaas oo ku eedeysnaa fal isku day dil ah oo uu u geystay gabar soomaali ah. Waxeyna maxkamadu dacwad oogaha dowlada ku raacday sharaxaadiisa aheyd inuu falkan ahaa mid qorsheysan, uuna ninkan kusoo tala falay inuu gabadha dilo.

Maxkamada ayaa sidoo kale ogolaatay codsiga dacwad oogaha dowlada uu ku codsaday in sagaal sano lagu xukumo ninkan soomaaliga ah ee maxkamadu ay ku heshay danbiga lagu soo oogay.

Ninkan oo xabsiga ku xirnaa tan iyo markii uu booliska isku soo dhiibay 10 bilood kahor, ayaa waxaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo lacag magdhow ah oo dhan 300.000 NOK.

Falkan oo dhacay dhamaadkii bishii Desember ee sanadkii hore ayaa ahaa mid ay aad u hadalhayeen saxaafada lokalka ah ee gobolada Hedmark iyo Oppland. Horey waxey boolisku u sheegeen in labadan qof ee soomaalida ah uu ka dhaxeeyay xiriir.

Qareenka ninka soomaaliga ah ee la xukumay ayaan ilaa hada wax war ah kasoo saarin xukunka maxkamada, iyo inuu racfaan ka qaadanayo iyo inkale.

Xigasho/kilde: NRK.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments