fredag, mars 29, 2024

Germany: 23-jir soomaali ah oo mindi si xun ugu dhaawacay soomaali kale oo ay isku kaam ku jireen

Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Germany, 23-jir soomaali ah ayaa xabadka xabadka mindi si xun uga dhaawacay 26-jir soomaali ah oo ay isku xero qoxooti ku jireen.

Wiilka mindida la galiyay ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, iyada ay boolisku sheegeen in mindidu ay dhaawac gaarsiisay qeybaha hoose ee xubnaha jirka ee ka hooseeyo xabadka. Waxaana markiiba loola cararay isbitaalka, halkii oo uu ku maray qaliin.

23-jirka dhaawaca geystay ayay boolisku ka qabteen isla goobta, waxaana ay dacwad oogayaasha boolisku codsadeen in lagu soo oogo dacwad-danbiyeed isku day dil ah. Mindida uu ku geystay falka ayay boolisku sheegeen inay aheyd mid nooca jikada ah.

Muranka labadan qof ee soomaalida ah ayay boolisku sheegeen inuu ka bilowday mobil kuwa gacanta, waxeyse sheegeen inay sii baari doonaan sababta dhabta ah ee ka danbeysay dhaawaca halista ah ee soo gaaray wiilkan soomaalga ah.

Falal danbiyeedka loo adeegsanayo mindiyaha ayaa kusoo badanayo soomaalida ku dhaqan dalka Germany. Isbuuc kahor ayay aheyd markii wiil soomaali ah mindi lagu dilay Germany, waxaana falkaas ka danbeeyay isla wiil kale oo soomaali ah.

Xigasho/kilde: wochenblatt.de , TZ.DE

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x