Gabar kale oo soomaali oo sanadkan u sharaxan bilada «Jenteprisen»

0
157
Foto: Faksimile

Farhia Luul Makerow oo ah gabar dhalinyaro soomaali ah ayaa sanadkan kamid noqotay dadka u sharaxan bilad sharafeedka «jenteprisen» oo ah bilad uu bixiyo ururka caalamiga ah ee Plan, laantiisa Norway.

Farhiya ayaa qeybta ugu weyn ka qaadatay filim dokumentari ah, kaas oo bilowgii sanadkan ka baxay Tv-ga qaranka Norway ee NRK, looga hadlayay dhibaatada gudniinka iyo waxyeelooyinka caafimaad ee uu dumarka u geysto. Filmkaas oo loogu magac daray «I min mors navn» ayaa u sharaxan dhowr biladood kuwa oo filimada lagu qiimeeyo ah. Halkan ka daawo filimkaas. 

Bilada «jenteprisen» oo qofka ku guuleystay lagu dhawaaqayo 11-ka bishan October, ayaa waxaa sidoo kale u sharaxan Sumaya Jirde oo iyaduna ah gabar soomaali ah.

Xigasho/kilde: Østland-Posten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments