Frp oo soo jeediyay in xuquuqda waalidnimo laga qaado waalidka ilmahooda guda!

0
121
Gudoomiyaha FRP: Siv Jensen

Xisbiga Frp oo kamid ah xisbiyada kujiro xukuumada Norway hada ka taliso ayaa soo jeediyay in xuquuqda waalidnimo laga qaado waalidka ilmahooda guda ama awoodi waayay inay kahortagaan in ilmahooda la guda.

10-kii sano ee ugu danbeeyay waxaa booliska Norway loo soo gudbiyay 53 kiis oo gudniin ku saabsan, laakiin midkoodna lagama sameyn kiis dacwadeed qof loo ciqaabay. Waxaa wali jiro su´aalo badan oo ku saabsan 53-daan kiis, iyo inay yihiin kiisas gudniin dhab ah uu jiray iyo inay kaliya ahaayeen shaki. Sidoo kale ma cada in ilmaha la guday ay ahaayeen kuwo Norway laga kaxeeyay oo lasoo guday, iyo inay yihiin kuwo Norway inta aysan imaan kahor lasoo guday.

Frp ayaa hada soo jeediyay in gudniinka sharci ahaan lala meeldhigo tacadiga nooca daran oo ay waalidiintu ilmaha kula kacaan, waalidkana laga qaado xaquuqda waalidnimo, hadii ay ilmahooda gudaan.

Hey´ada ilaalinta xuquuqda caruurta ee Barneombudd ayaa iyadna si ula dhacsan soo jeedinta Frp, waxeyna wax laga xumaado ku tilmaameen in 53 kiis aan wax dacwad ciqaabeed ah laga sameyn.

Frp ayaa u baahan taageerada KRF, si ay qorshahan baarlamaanka u hor keenaan. Balse KRF ayaa wax badan ku taageersan Frp, waxeyse diidanyihiin in waalidku ay si toos ah u lumiyaan xuquuqda waalidnimo, iyada oo aysan maxkamad arintaas go´aan ka gaarin.

Xigasho/kilde: NRK.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments