Erna Solberg oo isbadal kooban ku sameysay golaheeda wasiirada.

0
141
Foto: CF Wesenberg
foto: Borgen, Ørn

Reysulwasaaraha dalkan Norway Erna Solberg ayaa isbadal kooban oo hordhac ah ku sameysay qaar kamid ah golaheeda wasiirada. Iyada oo wali la wada sugayo inay isbuucyada soo socdo isku shaandheyn weyn ay ku sameyso xukuumadeeda, marka ay Venstre kusoo biiraan dowlada.

Solberg ayaa wasiirka arimaha dibada u magacowday Ine Eriksen Søreide(Høyre) oo horey u ahaan jirtay wasiirada difaaca, halka wasiirka difaaca laga dhigay Frank Bakke-Jensen(Høyre). Wasiirka EU-da waxay Erna U magacowday Marit Berger Røsland(Høyre).

Ine Eriksen Søreide ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee Norway u noqoto wasiir arimo dibaddeed. Soomaaliya ayaa wasiirkii arimo dibadeed ee dumar ah ee ugu horeeyey yeelatay sanadkii 2012, waxeyna aheyd Fowsiyo Yusuf Haji Aden, xiligii madaxweyne Hassan Sh Maxamuud iyo R.W Saacid Shirdoon.

Waxaa wali socdo wadahadalada ay kujiraan xisbiyada xukuumada, kuna saabsan sidii ay awooda u qeybsan lahaayeen. Venstre ayaan wali wax go´aan ah kasoo saarin inay la shaqeyn doonaan Frp iyo inkale, halka ay KRF xili hore ka baxeen wadahalada dhisida xukuumad cusub oo ay FRP qeyb ka yihiin.

Xigasho/kilde: Tidenskrav

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments