Erna Solberg maka tacsiyeysay xasuuqii magaalada Muqdisho?: Ogow jawaabta

0
133

Dad badan oo soomaali oo dalkan Norway ku nool ayaa maalmihii ugu danbeeyay isweydiinayay sababta aysan dowlada Norway aysan uga hadlin xasuuqii magaalada Muqdisho ee lagu laayay in ka badan 358, lagu dhaawacay dad ku dhow 500.

Su´aashan oo dad badan ay maskaxda ku hayeen, ayaa waxaa ugu danbeyn si toos ah barta Twitterka Erna Solberg ku weydiisay gabar dhalinyaro soomaali ah oo lagu magacaabo Sumaya Jirde.

Sumaya ayaa Erna Solberg suáashay sababta aysan u muujin dareenkeeda ku aadan qaraxii Muqdisho, waxeyna Solberg kusoo jawaabtay sawirka warqad qoraal ah, taas oo muujineyso in Solberg ay isniintii qore warqad qoraal tacsi ah u dirtay dowlada Soomaaliya, gaar ahaan reysulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Warqada oo sida muuqato ay Solberg qortay 16-kii bishan October oo ah labo maalin kadib marka uu qaraxa dhacay, ayay Solberg Xasan Cali Kheyre kula wadaagtay sida ay dowlada Norway uga xuntahay dhibaatada halkaas ka dhacday, iyada oo tacsi u dirtay dowlada iyo guud ahaan dadka soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirkii hore ee arimaha dibadda Norway, Børge Brende ayaa sidoo kale war qoraal ah kasoo saaray qarixii magaalada Muqdisho ee lagu xasuuqay 348-ka qof.

Xagee wax khaldanyihiin hadaba:

Sida caadiga ah marka uu weerar ka dhaco mid kamid ah wadamada Galbeedka, xitaa hadii weerarkaas aan hal qofna lagu dilin, waxey warbaahinta reer galbeedku ka hadlaan isbuucyo, iyaga oo xagal walba ka fiirinaya. Waxey dadka ku dhiirigaliyaan isku duubni iyo isku muujin dareen bini-aadanimo, iyaga oo madaxdana ku cadaadiya inay si public ah u muujiyaan dareenkooda.

Laakiin hadii 1000 qof oo aan reer galbeed aheyn la dilo, waxey maalinta koowaad ama labaad ka hadlaan tirada weerarka ku dhimatay iyo meesha uu ka dhacay. Ma muujiyaan wax dareen ah ama xiiso ah oo saas u weyn oo arintaas ku saabsan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments