Dowlada oo rabta inay adkeyso shuruudaha uu qofku ku heli karo lacagta «dagpenger»-ka

0
249

Xukuumada Norway ee hada talada heysa ayaa miisaaniyada sanadka 2018 soo jeedisay in la adkeeyo shuruudaha uu qofku ku heli karo, lacagta ay qaataan dadka ay shaqo la´aanta ku dhacay ee «Dagpenger». Marka uu qofka ay shaqada ka dhamaatay codsanayo lacagta «dagpenger», waxaa loo fiiriyaa lacagtii uu shaqeeyay sanadkii ugu danbeeyay ama sadexdii sano ee ugu danbeysay.

Dowlada ayaa hada rabta inay meesha ka saarto fursada qofka u sahleyso inuu lacagta «Dagpenger» codsado iyada oo loo fiirinayo sadexdii sano ee ugu danbeysay. Waxeyna taas keeni kartaa in 3500 qof oo maanta «dagpenger» qaata ay waayi lahaayeen, hadii sharcigaas uu qaban lahaa. Tiradan ayaa ah tiro ay wasaarada shaqada soo saartay, kadib markii uu ka codsaday wargeyska dagsavisen

Dowlada ayaa ujeedka arintan ku micneysay in la xoojiyo xiriirka qofka ee suuqa shaqada, isla markaana lacagta «Dagpenger» la siiyo dadka suuqa shaqada xiriirka la ahaa, ee shaqo la´aantu ay ku dhacday waqti yar kahor. Waxeyna dowladu sidoo kale sheegtay in lacagtan uu qofka qaadanayo xiliga dheer ay meesha ka saareyso hamiga qofka ee ah inuu suuqa shaqada dib ugu soo noqdo.

Inkasta oo dowlada ay sheegeyso inay arintan ku xoojineyso xiriirka suuqa shaqada, hadana dadka arintan ku xeel-dheer ayaa sheegay in qofka laga gooyo lacagtaas uu wali kusii xirnaan doono hey´ada Nav, isaga oo codsanayo lacagta ceyrta ama lacagaha kale ee qofka shaqo la´aanta ah la siiyo(jug-jug meeshaada joogo).

Xigasho/kilde: Dagsavisen.no, Nettavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments