Dowlada Norway oo rabta in la kordhiyo lacagta ay bixiyaan dadka qoysaskooda u dacwoonaya.

0
183
Foto: Shutterstock

Dowlada Norway ayaa sheegtay in laga bilaabo sanadka cusub, ay rabto in la kordhiyo lacagta laga qaado dadka raba inay qoysaskooda u dacwoodaan ee ka weyn da´da 18-ka sano. Lacagtaas ayaa hada ah 8000 NOK, waxeyna dowladu rabtaa in laga dhigo 10.500 NOK.

Lacagta laga qaado dadka raba inay qoyskooda u dacwoodaan ayaa sadex jibaar kor u kacday sadex sano gudahood oo ay xukunka heysay Erna Solberg. Dowlada aya sheegtay in ujeedka kordhinta lacagtan ay tahay in qofka dacwoonayo uu bixiyo dhamaan lacagta ku baxeyso howshan iyo prosseskeeda.

Xisbiga FRP oo kamid ah xukuumada Erna Solberg ee hada talada heysa ayaa aaminsan in wali siyaasada soo galootiga Norway ay u baahantahay adkeyn, iyaga oo sheegay in meelaha in wax laga qabto u baahan ay kamid tahay isku imaanshaha qoysaska.

Xigasho/kilde: NRK

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments