Dowladda Soomaaliya ayaa xalay shaacisay tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qarixii dhawaan ka dhacay isgoyska soobe ee magaalda Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomalaiya Eng. Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in la xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen 358 qof iyo 228 qof oo dhaawac ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in sidoo kale nolol iyo geeri la la’yahay 56 qof, halka 99 qof oo kolkii hore dhaawac ahaan cusbitaalada loo dhigay hadda cusbitalka laga saaray.

Sida uu sheegay Eng. Yariisow, 122 qof oo dhaawac ah ayaa loo qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaanna waddamada Kenya, Turkiga iyo Suudaan si halkaa loogu soo daweeyo. Tiro kale oo dhaawac ah ay jiifa cusbitaalada Muqdisho.


Det offisielle tallet på døde etter terrorangrepet i Mogadishu er nå 358. Tusenvis av sørgende og sjokkerte somaliere samlet seg til bønn på åstedet fredag.
Somalias informasjonsminister Abdirahman Osman opplyser fredag at 56 fortsatt er savnet etter lørdagens angrep.

I tillegg til de mange drepte ble 228 såret da en bombe plassert i en lastebil gikk av på en travel gate i den somaliske hovedstaden. 122 er fløyet til sykehus i Tyrkia, Sudan og Kenya for behandling.

Kilde: Klassekampen/NTB

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of