Denmark: Nin soomaali ah oo 27 sano kadib laga tarxiilayo Denmark!

0
158

Maxkamad kutaal magaalada Århus ee dalka Denmark ayaa nin soomaali ah oo 32 sano jir ah ku xukuntay in dalkaas laga musaafuriyo, waxaana sidoo kale laga mamnuucay inuu Denmark soo galo mudo 12 sano ah.

Ninkan ayaa 27-sano kahor yimid dalka Denmark, isaga oo markaas ahaa ilmo yar oo shan sano jiro. Waxaana horey loogu xukumay xabsi iyo musaafuris ay shuruudi ku xirantahay.

Maxkamada sare ee dalka Denmark ayaa horey u diiday in ninkan loo musaafuriyo Soomaaliya oo la sheegay in qof qaraabo ah uusan u joogin.

Laura Simoni Pedersen oo ah dacwad oogaha dowlada ee ninkan danbiga kusoo oogay ayaa sheegay in ninkan soomaaliga ah horey loogu xukumay dhowr xukun xabsiyeed oo kala duwan.

Ninkan soomaaliga ah ayaa racfaan ka qaatay xukunka maxkamada, waxaana racfaankaas mar kale loo diray maxkamada sare ee Denmark, taas oo go´aan kama danbeys ah markan ka qaadan doonto kiiskiisa.

 

Xigasho/kilde: Nyheder.tv.dk

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments