torsdag, mars 28, 2024

Ciyaaryahaankii hore ee kooxda A.C Milan oo u sharaxan inuu Madaxweyne noqdo

Xidgii hore ee kooxda A.C Milan George Weah ayaa tartan ugu jiro qabashada xilka madaxweynenimo ee dalkiisa Liberia. G. Weah oo sidoo kale u safan jiray kooxda PSG ee dalka France ayaa ah ciyaaryahaanka kali ah ee qaarada Afrika kasoo jeedo ee ku guuleystay bilada laacibta aduunka ee Ballon d’Or,  oo uu sanadkii 1995-dii uu ku guuleystay.

G. Weha ayaa marka uu ciyaarista kubada cagta ka fariistay, ku biiray siyaasada, waxa uuna qeyb weyn ka qaatay daminta colaadihii sokeeye ee dalkiisa ka aloosnaa bilowga 2000-kii. Weha ayaa horey ugu tartamay xilka madaxweyne, waxeyna markan noqon doontaa markii labaad ee uu u tartamo jagadan.

Waxaa la saadaalinayaa in jaaniska guuleysashada Weha uu aad u weynyahay, maadaama uu xulafo ka dhigtay xaaska madaxweynihii hore ee dalkaas Charles Taylor oo dalkaas madaxweyne ka ahaa 1997 ilaa 2003.

Xigasho/kilde: GNN-LIBERIA

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x