Canada: Soomaaligii weerarka ka geystay Canada oo ogaaday in sanado kahor Mareykanka diidmo laga siiyay

0
142

Booliska magaalada Edmenton ee dalka Canada ayaa shaley soo bandhigay magaca iyo sawirka ninkii soomaaliga ahaa ee weerarka ku dhaawacay shanta qof ee uu kamid yahay sarkaalka askariga ah.

Cabdullaahi Xasan Shariif oo 30-sano jir ah, isla markaana dalka Canada qoxootinimo kusoo galay sanado kahor ayay boolisku sheegeen inuu ka danbeeyay weerar mindi loo adeegsaday, kaa soo lagu dhaawacay shan qof. Maalintii shaley aheyd ayaa lahorkeenay maxkamad, laakiin waxaa dib loo dhigay furitaanka dacwada kiiskiisa.

Dowlada Mareykanka ayaa dhankeeda sheegtay in Cabdullahi Xasan uu horey magangalyo u weydiistay Mareykanka, isla markaana uu kunoolaa magaalada San Diego ee gobolka California. Sanadkii 2011 ayuu soo galay Mareykanka, waxeyna sheegeen in qorshuhu uu ahaa in la musaafuriyo, laakiin uu ka baxsaday Mareykanka.

Booliska magaalada Edmenton ayaa sheegay in baabuurka uu Cabdullahi watay ay ka dhex heleen calanka kooxda sheegata dowlada islaamiga ah ee Daacish. Waxaana dhici karto in Cabdullahi uu wajo dacwad danbiyeed la xiriirto falal argagaxiso, ayna usii dheertahay falka isku dey dilka ah.

Xigasho/kilde: Voa-somali

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments