Xusuusin: Badal taayarada baabuurka ee sommerka, inta aadan naftaadan ama mid dad kale khatar galin

0
112

Waxaa qeybo kamid ah dalkan Norway ka bilowday da´ista barafka oo xiliyadan oo kale bilowdo. Maalmaha ugu horeeya ee xiliga barafka, waxaa sanad walba dhaca shilal baabuur oo aad u badan. Shilalkaas intooda badan waxaa sabab u ah dadka oo ilaawo iney badalaan taayeerada baabuurta ee xiliga sommerka (sommerdekk).

Hadii wadada oo baraf yaalo aad ku socoto taayarada sommerka, waxaad si fudud uga bixi kartaa jidka, waxaadna khatar galin kartaa naftaada, tan dadka baabuurka kula saaran(caruur, xaas, qaraabo, asxaab),  hadey jiraan dad jidka marayo ama deegaanka iyo guryaha wadada ka agdhow.

Waxaa taas sii dheer in qofka lagu qabto isaga oo wato taayarada sommerka ay booliska ganaaxayaan. Ganaaxaas oo mararka qaarkood keeni karo in leysinka baabuur wadista lagaa qaado.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments