Baarlamaanka Norway oo dib u qiimeynayo sharci ay bilo kahor meel-mariyeen, kuna saabsan lacagta la siiyo waalidiinta ilmaha guriga ku heysto

0
88
foto: Stortinget.no

Baarlamaanka Norway ayaa bishii Juni ee sanadkan meel mariyay sharci cusub, kaas oo soo galootiga wadanka ku cusub shardi uga dhigaya inay shan sano wadanka degenaadaan, si ay u helaan lacagta la siiyo waalidka dhaley ilmaha ka yar labada sano ee aan dhigan xarumaha xanaanada(Kontantstøtte).

Sharcigan ayaa dhigayo in labada waalid ee ilmaha ay ugu yaraan wadanka shan sano degenaadaan, si uu midkood u helo lacagta la siiyo la siiyo waalidka. Waxeyna dowladu sheegtay in ujeedka ka danbeeyo uu yahay in soo galootiga lagu dhiirigaliyo inay shaqeystaan, oo aysan sugin gacanta dowlada.

Norwiijiga dhaladka ah ayuu sameeyay:

Sharcigan oo shardi ka dhigaya in labada waalid ee ilmaha ay Norway shan degenaadaan, si ay lacagtaas u helaan, ayaa waxaa durbo soo baxday inuu saameyn ku yeeshay dadka Norway u dhashay, ee xaasaska kasoo guursado wadamada kale.

Warbaahinta Norway ayaa maalmihii ugu danbeysay warbixino ka qorayay dad norwiiji dhalad ah, kuwaas oo ka cabanayo saameynta sharcigan cusub. Kadib markii loo diiday inay helaan lacagta Kontantstøtten ee waalidka la siiyo.

Sharcigan oo la dhaqangaliyay bilo kahor, ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadka heysto dhalashada Norway, balse xaasaskoodu/nimankoodu ay wadanka deganyihiin wax ka yar shan sano.

Ap: Hala qafiifiyo

Ap oo kamid ahaa xisbiyadii aadka u taageersanaa sharcigan, ayaa hada soo jeediyay in dib loogu noqdo sharcigan. Waxeyna sheegeen in qodobka ku saabsan in labada waalidba ay wadanka shan sano degenaadeen, lagu sameeyo qafiifin.

Sidoo kale xisbiyada KRF, SV iyo Sp ayaa taageersan in sharcigan la qafiifiyo, waxeyna u egtahay inay aqlabiyad ka heystaan baarlamaanka hadii ay isku raacaan.

Xisbiyadan ayaa u muuqdo inay raadinayaan qaab uu sharcigan kusii jiro, isla markaana uusan saameyn ugu yeelan dadka Norwey u dhashay ama heysta dhalashada Norway.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER, Dagsavisen.noVG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments