Ap oo ka noqday taageeradii ay siiyeen tarxiilka dhalinyarada 18-ka sano buuxisay.

0
156

Xisbiga mucaaradka ah shaqaalaha Ap oo xukuumada hada Norway ka taliso taageero ku siiyay in magangalyo kumeel gaar ah la siiyo caruurta kayar da´da 18-ka sano, ayaa hada sheegay inay rabaan in arintaas wax ka badal lagu sameeyo.

Ap ayaa kamid ahaa 7 xisbi oo 2 sano kahor heshiis ku gaaray baarlamaanka Norway, arintaas oo dowlada u sahashay inay adeegsado qodob kamid ah heshiiskaas, kaas oo ah in magangalyo kumeel gaar ah la siiyo caruurta kayar 18-ka sano, kadibna dib loo qiimeeyo baahidooda magangalyo marka ay 18 sano gaaraan.

Gudiga xisbigan ee baarlamaanka ayaa soo jeediyay in la fiiriyo u nuglaanshaha caruurtan ay khatar u nugulyihiin, hadii wadankoodii lagu celiyo. Waxeyna taas keeni kartaa in boqolaal caruur ah oo la celin lahaa ay Norway magangalyo rasmi ah ka helaan. Xisbigan ayaa sidoo kale soo jeediyay in la yareeyo adeegsiga magangalyada kumeel gaarka ah ee la siiyo dhalinyarada 18-ka sano kayar.

Hey´ada socdaalka ee UDI-da ayaa horey loogu soo jeediyay qaabka ay uga shaqeyso kiisaska caruurtan 18-ka sano kayar, iyada oo lagu eedeeyay inaysan si dhab ah u fiirin baahida gaarka ah ee magangalyo ee shaqsiga.

Xisbiyada Sv, Rødt iyo MDG ayaa maalmo kahor soo jeediyay in si kumeel gaar ah loo joojiyo qoxootiga loo tarxiilayo Afgaanistaan, balse waxaa soo jeedintaas diiday xisbiga Ap.

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway, S. Listhaug ayaa xisbiga Ap ku eedeysan inuu isbadalay, kana baxay heshiiskii ay 2 sano kahor galeen. Arintaasna ay keeni karto inay jileec uu ku yimaado siyaasada soo galootiga dalkan Norway.

Xigasho/kilde: VG.NO

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments