Ap oo diiday codsi ku saabsan in la joojiyo qoxootiga loo tarxiilayo Afgaanistaan.

0
118

Xisbiyada SV, MDG iyo Rødt ayaa soo bandhigay soo-jeedin  lagu dalbanayo in si kumeel gaar ah loo joojiyo qoxootiga loo tarxiililayo dalka Afgaanistaan oo ay ka socdaan colaado. Si ay soo jeedintaas u noqoto meel lagaha ku istaagi karto, waxey taageero uga baahantahay xisbiga Ap oo isna diiday inuu taageero.

Bilowgii bishan ayay hay´ada Amnesty International too saartay warbixin ay ku sheegeyso in Norway ay tahay wadanka qoxootiga ugu badan u tarxiilay Afgaanistaan. Waxeyna Amnesty sheegtay in Norway iyo wadamada kale ee qoxootiga u celiyo Afgaanistaan ay jabiyeen xeerka xuquuqda aadanaha ee aduunka.

SV, MDG iyo Rødt ayaa warbixintaas ka duulayo ayaa codsaday in si kummel gaar ah loo joojiyo qoxootiga loo tarxiilayo Afgaanistaan, waxaana qorshahaas taageeray xisbiga kale ee KRF. Halka Ap uu diiday, iyada Venstre ay codsadeen waqti ay arintaas uga soo fakaraan.

Afhayeenka xisbiga shaqaalaha ee arimaha soo galootiga ayaa sheegay inay la isku raacsanyahay in Afgaanistaan ay tahay meel aysan nabad ka jirin, balse wuxuu raaciyay inay muhiim tahay in la raaco waxa ay soo jeediso dowlada Norway, ee uu xisbigiisa mucaaradka ku yahay.!

Xigasho/kilde: Aftenposten.no, Fjordbladet.no/NKP

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments