Aftenposten: UDI+Booliska: Waxaan adeegsan doonaa Teknooliyada cusub, si loo fashiliyo qofka ka been-sheegay asalkiisa.

0
140

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway, S. Listhaug ayaa isbuucii hore soo bandhigtay qorshe cusub oo ay sheegtay inay isbadal weyn ku sameyn doonto nidaamka qaabilaada qoxootiga dalkan Norway. Waxeyna sheegtay in qoxootiga wadanka ku cusub oo dhan la isugu geyn doono xero weyn oo kutaalo duleedka degmada Råde ee gobolka Østfold.

Qorshaha Listhaug ayaa waxaa kamid ah inay wada shaqeyn dhow yeeshaan booliska iyo UDI-da, si loo xaqiijiyo aqoonsiga qofka, kahor inta aan laga shaqeyn codsigiida magangalyada.

Mobil iyo Facebook: 

Waxyaabaha ay boolisku sheegeen ayaa waxaa kamid ah inay xooga saari doonaan adeegsiga teknoolijada casriga ah, si loo xaqiijiyo aqoonsiga shaqsiyeed ee qofka. Waxeyna raaciyeen inay baaritaan ku sameyn doonaan mobilka gacanta ee qofka, sawirada uu galay iyo meesha kusoo galay, baraha bulshada iyo waxyaabaha uu kusoo qoray ama sawirada ugu jiro halkaas.

Sidoo kale waxey sheegeen inay baaritaan ku sameyn doonaan GPS-ka ku xiran mobilada casriga ah, kaas oo sheegi kara wadada uu qofka soo maray kahor inta uusan Norway imaan. Listhaug ayaa rabto inay isku uruuriso quburo katirsan booliska iyo UDI-da, kuwaas oo taqasus gaar ah u leh xaqiijinta aqoonsiga qofka, ayna ku kabto dad aqoon sare u leh teknooliyada.

Arimahan oo dhan ayay Listhaug sheegtay in qofka laga ogaan doono inta aan laga qaadin wareysiga magangalyada. Waxyaabaha ay horey usoo ogaadaana, lala barbardhigo qaraxaada codsigiisa magangalyada, ayna kaalin ka geystaan in qofka magangalyo la siiyo iyo inkale.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments