Abdijibaar Ahmed: Waxaad Tahay Shaqsigii Ay Dunidda Sugaysay ee Maxaad Sugaysaa

0
124

Marka aad dhalatay dunidda waxaa kusoo kordhay shaqsi cusub, waana adiga. Waxaan shaki ku jirin inaad adiga tahay shaqsigaasi ay dunidda sugaysay –waa adiga qofka dunidda ay sugayso ee maxaad sugaysaa?

Hadaba dadka waa 3 nooc marka loo fiiriyo doorka ay bulshada ku leeyihiin. Qoraalkaan waxaan jeclaani lahaa inaan si tafatiran ugu sharaxo seddaxdaasi nooc iyo doorarka ay ku leeyihiin bulshada. Waa muhiim innuu qofwalbo isweydiiyo doorka uu ku lahaani karo bulshada. Aniga Cabduljabaar ahaan waxaan marwalbo nafsadeyda isweydiini jiray, waliba aan weydiiyaa doorka aan ku leeyahay bulshada. Cimriga bini’aadamka waa wax gaaban laakiin naf iyo sheydaan ayaa ugu sheekeeyo dadka inay haystaan wakhti dheer, waana muhiim inaan isweydiino su’aalaha la xariira waxqabadka aan sameyni karno qaasatan doorka aan ka ciyaari karno bulshada.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah doorka aad ku leedahay 3-da nooc ay dadka u kala baxaan.  Hadaba maxay kala yihiin seddaxdaan nooc. Seddaxda nooc waxay u kala baxaan qodobadaan soo socda;

Doorka 1aad: Waa dad doorka ay bulshada ku leeyihiin ayaa ah inay bulshada dhibaateeyaan, xaasidnimo, danayste iyo inay bulshada ka hor istaagaan waxwalbo oo horumarka bulshadaasi ah. Waxaana xaqiiq ah bulshada ay ku badanyihiin dadka noocaan oo kale waa bulsho dhibaatooyin badan haysato, weyna adagtahay dhibaatooyinka qabsaday inay si fudud ugu soo kabsadaan. Waxayna deris la yihiin halaag iyo dib u dhac badan. Dadka noocaan oo kale waa dad aanan fahansaneen muhiimada ay ugu dhasheen bulshadaasi.

Doorka 2aad: Waa kuwa aanan ka warqabin dunidda, waxayna ku jiraan adduun aan halkaan ahayn. Dadka noocaan oo kale malahan qorshe nololleed ee waa dad iskanool, iska cunna, iskana caba, hurdana iskeegga jira. Waagga marka uu baryana iska dhaqaaqa waliba bilaa qorshe ayagoo ah. Waxa laga yabaa inay iskuul, jaamacado iyo machadyo aadaan, balse waxay nafsadooda ku mashquuliyaan waxyaabo kalle oo aanan dantooda ku jirin sidda inay ciyaaraan `PlayStation`, inay isku mashquuliyaan daawashada ciyaaraha waliba ayagoo leh imtixaano, buuggaag laga sugaayo inay aqriyaan iyo waxyaabo kale oo la xariiro waxbarashadooda. Waa kuwa shaqeeyo laakiin shaqadooda hadaf iyo aragti ay hiigsanayaan malahan.

Inta badan dadka noocaan ah ma ahan kuwa ku mashquula bulshada. Laakiin inta badan waxaa la sheegaa kuwa gadaal ka garto danaha ay u joogaan dunidda. Dhalinyaradeenna waxay la kulmeen niyad-jab balaaran waana sawabta ay ugu badanyihiin kuwa noocaani oo kalle. Laakiin waa inaan ogaano umad jab soo gaara anaga uguma horeyno ee waa noogala soo horeeyay jabka.

Haayadda caafimaadka adduunka ee u qaabilsan dhimirka waxay sheegeen seddaxdii qof ee Soomaaliyeed innuu mid kamid ah dhimirka la yahay ama maskaxdiisa aanan toosneen. Ma ahan arrin lagu farxo runtii, Waa wax aad looga naxo runtii. Waan wada dareemi karnaa dhibaatada keentay arrimahaasi oo dhan. Qofka markuu ka haajiro dalkiisa si uu usoo dhisto mustaqbal fiican xaaladda marwalbo sidda uu rabay ma noqoto maxaa yeelay marwalbo waxaa jira caqabad, noloshana kama dhammaato caqabadda. Qofwalbo oo anaga naga mid ah waxaa haysto imtixanaadka dunidda anaga oo kalina ma aha nee bini’aadamka oo dhan ayaa midaasi ka wada siman. Waxaan jeclaani lahaa inaad joojiso mada-daaliska aad ku hayso nafsadaada ee noqo shaqsi dhaqaaq leh oo wax badan kusoo kordhini karo bulshada, iskana illaali inaad canaan la kor taagnaato nafsadaada.

Doorka 3aad: Waa kuwa u taagan inay xambaaraan mas’uuliyadda ka saaran bulshadooda. Dhibaato walbo oo soo gaarto ma ahan kuwa calaacalkooda la maqlo. Waa kuwa adkaysi badan had iyo jeerna diyaar u ah inay mas’uul ka noqdaan bulshadooda. Noloshooda waa mar ay shaqeysanayaan iyo mar ay jecelyihiin inay wax cusub bartaan. Daruuf walbo oo haysato waxaa niyadooda marwalbo ka buuxa inay bulshada wax u qabtaan. Dadka noocaan ah waxay leeyihiin sifooyin badan oo ay kaga duwanyihiin bulshada inteedda kale. Intooda badan waxay noqdaan hoggaamiyeyaal si wanaagsan u hoggaamiyo bulshada. Inta badan ma fiiriyaan faa’idada ay ka helayaan bulshada laakiin waxay ka fakiraan danaha bulshadaasi, dadka noocaan ah waxaa la sheegaa inay yihiin hoggaamiyaal waxtar u leh bulshada.

Aqristoow adiga midkeed ka mid tahay seddaxda door ee aan soo sheegay. Waxaa laga yabaa in qoraalkeyga mugdi ku yara jira ama dad qaas ah aan ku weeraray. Haddii aad ka mid tahay dadkaasi waxaan jeclaani lahaa inaad ka raali noqoto madamaa aan xumaan kaga jeedin aniga xageyga. Waxaa wanaagsan inaad ogaato inaad tahay shaqsi bulshada waxbadan tari karo.

Waxaan qoraalkeyga kusoo gaba-gabaynayaa muhiimada ugu weyn ee dunidda lagaaga baahanyahay inaad kusoo kordhiso ayaa ah inaad waxtar badan la timaado. Waxbarasho haddii aad aado la imaaw aragti aad hiigsanayso, iskana illaali inaad deris la noqoto waxyaabaha dib u dhigista kuu keeni karo. Marwalbo horumarkaaga ku dadaal. Qofwalbo asiga ayaa iska masuul ah waxaana loo baahanyahay inaad sidda ku haboon waxwalbo ku qabsato. Ogaaw waxaad tahay shaqsigii dunidda ay sugaysay marwalbo qaasatan masuuliyada ugu horeyso waxaa kaa sugaayo waa naftaada. Iskana illaali inaad ku mashquusho dadka kale, ha fiirinin qofka kale wuxuu haysto ee fiiri waxaad adiga qabsani karto oo kali. Waana muhiim inaad aqqoon fiican u leedahay nafsadaada.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments