Xisbiyada bidixda oo caawa guul weyn kasoo hoyiyay doorashada iskuulada.

0
155

Xisbiyada bidixda ayaa caawa guul aad u weyn kasoo hoyiyay doorashada iskuulada Norway, taas oo saadaal fiican oo laga qiyaas qaadan karo u noqon karto qaabka ay ku dhamaan doonto doorashada baarlamaanka afar maalmood kadib. Xisbiyada midigta ayaa doorashada iskuulada isku dar helay aqlabiyad aad u weyn oo ay ku hantin karaan maamulka dowlada afarta sano ee soo socoto.

Xisbiyada midigta guud ahaan, gaar haan Høyre ayaa doorashada iskuulada ka helay natiijo ka hooseyso tii ay heleen sanadkii 2015-ka(doorashadii golaha deegaanka).

Xisbiyada bidixda mayalka adag sida Rødt iyo SV ayaa doorashadan ka helay codad aad u badan oo aan horey loo fileynin. SV oo kamid ah xisbiyada yar-yar ayaa doorashada kaalinta sadexaad ku heysto xisbiga FRP oo kamid ah xisbiyad waaweyn ee Norway.

Xisbiga Ap ayaa doorashada ardeyda iskuulada ka helay 57 kursi oo baarlamaanka ah, halka Høyre uu helay 27 kursi, FRP 18, SV, 18, Venstre 13, Sp 12, MDG 12, Rødt 10, KRF 2.

 

 

Xisbiyada bidixda ayaa caawa marka ay soo baxday natiijada doorashada iskuulada sheegay inay kalsooni buuxdo ku qabaan inay dowlada la wareegi doonaan, ardeyduna tusaale laga qiyaas qaadan karto ay u yihiin bulshada inteeda kale.

Doorashada iskuulada oo la qabto isbuuc kahor inta aysan dhicin doorashada baarlamaanka  ayaa inta badan ka run sheegta qaabka ay kusoo idlaan doonto doorashada guud ee baarlamaanka.

Ardeyda oo ah dadka mustaqbalka hogaanka u qaban doono siyaasada iyo nolosha kale ee dalkan Norway ayaa u muuqdo inay yihiin kuwo wax xoogaa u janjeero xisbiyada bidixda.

Xigasho/kilde: TV2.NO

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments