Mohamed Bashiir Hønefoss.

Waxaan la yaabaa in qofku uu muslim yahay haddana aanu qawaaniinta islaamka wadaraacin. Dadkii waxbay xadayaan, dhacayaan ,dilayaan, khiyaamaynayaan, xamanayaan, xasdayaan,laaluushkii bay qaadanayaan, si sharci darro ah bay u ganacsanayaan, way is cunsuriyadaynayaan,i s yasaan, isu faanayaan.
Waxaa intaas dheer waxyaalo kale oo badan oo ay diintu mamnuucday oo la samaynaayo. Waloow ay jirtaan dad badan oo wanaagsan haddana waxaa la rabay in ay raad ku sameeyaan bulshada inteeda kale.

Culimadii dadaalkoodu ma yara oo muxaadarooyin baa meel kasta ka socda,carruurahii dugsiyadii quraankaa la geeynayaa, masaajidadii waa la buuxaa haddana xaaladda muslimiintu ma aha mid ku farax gelinaysa.
Xagga dowladaha iyo xukuumadaha waxaa ka jira burbur iyo khilaafaad dhexdooda ah ha ugu weynaado kana Kooxda sacuudiga iyo Qatar u dhexeeya oo gaaray in la is cuna qabateeyo iyadoo lagu jiro bilaha xurmada leh.
Haddaba maxaa qaldan sideese wax loo saxi karaa?

Aragtidayda waxaa maqan manhaj iyo barnaamij degsan oo ay dowladaha muslimiintu ku saleeyaan noloshooda, iyada oo aan ognahay in quraanka iyo sunada laga helaayo hab nololeedka oo dhan dhan kasta bulsho, dhaqaale, siyaasad waxbarasho iyo caafimaadba.

Diintu waa mid dhamays tiran oo la jaan qaadi karta nolol kasta iyo casri kasta laakiin waxaan la hayn dad u raaca habka loogu talagalay. Waxaa wax laga xumaado ah in aan ilmaha muslinka ahi maanta lahayn barnaamij u degsan oo xukuumadaha iyo shacabkuba raacaan. Waxaa la rabay in la helo tarbiyad islaami ah oo caruurta lagu barbaariyo laguna baro dhaqanka wanaagsan, sinnaanta, caddalada, midnimada, wax wadaaga, is caawinidda, daryeelka kuwa liita,taakulaynta agoonta iyo dumarka laga dhintay. Waxaa maqan oo aan lahayn in ay soo baxaan jiilala xambaarsan mabaadii iyo afkaar ku salaysan nabad,iyo xasilooni caalamka gaarta.

Haddaba suaalahan aan is weydiinayno dhamaantood kolka laga jawaabaayo waa sahal laakiin fulinta jawaabaha ayaa adag.

Soomaali ahaan bal aniga oo aan halkan ku soo qorayn xaaladda aan ku suganahay qof waliba dib ha isu eego dalka iyo dadkana dib ha u eego hana sawiro dhabta iyo sida aynu unoolnahay bulsho ahaan,qaran ahaan,iyo qof ahaanba. Waan hubaa in wax badan oo fiican aan arkayno balse wax badan oo burinaaya ayaad ku arkaysaa,tusaale ahaan in aan is gacan qabanno oo qaraabada iyo ehelka xiriirinno waa dhaqan wanaagsan oo aan leenahay laakiin kolkaad aragto in nin aan dembi lahayn loo dilaayo reer hebel maxaad oranaysaa.

Gunaanadka sidee ayaan wax uga bedeli karnaa hab nololeedka qaybtiisa qaldan,yaase masuul ka ah is bedelka,sideese utaaban karnaa xaqiiqada una noqon karnaa bulsho runta isu sheegi karta una tashan karta si loo helo mustaqbal wanaagsan iyo jiritaan qiimo leh.
Waa arrin u taal qof kasta oo Soomaali ah oo u damqanaaya dalkiisa,diinta iyo dadkaba,waana arrin aynu ubaahanahay in xal loo helo.

Haddii aynu nahay reer Norway cidna kama qarsoona sida aan u kala daadsanahay iyo sida aynaan midnimo daayee u hayn tirada dhabta ah ee eeynu dalka ku joogno,sida aynaan uhayn tirada dhabta ah ee dadka ku dhibban dalka,iyo dida aynaan u hayn tirakoobka dhabta ah ee carruurta maqan ee qaarkood dayacan yihiin.

Yaa inaga masuul ah,yaa inna metela,yaa afkeenna ku hadla,waa maxay xiriirka dhexdeenn ayaal bulsho ahaan? Ma soomaali baynu nahay mise beelo,maamul gioboleedyo,qabaail,mise dad walaalo ah oo qurba jooga?

Yaa ka jawaabi kara suaalahaas,yaase wax uqaban kara bulshadeenna sidii aan u dhisi lahayn Soomaali ka duwan tan maanta aan ku joogno Norway?
Waa suaalo loo baahanyahay jawaabtooda, iyo lafa gurkooda iyo in laga doodo .

Maxamad Bashir  Hønefoss


Hadii aad rabto inaad aqoontooda, khibradaada, aragtidaada ama fikirkaaga aad la wadaagto bulshada soomaaliyeed, waxaan qoraalkaada noogu soo diri kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

  Subscribe  
Notify of