Wasiirka Arimaha dibada Norway oo xilka isaga dagi doono

0
151
R.W Soomaaliya iyo Wasiirka arimaha dibada Norway

Wasiirka arimaha dibadda dalkan Norway Børge Brende ayaa bisha soo socoto isaga dagi doono xilka wasiirnimo, kadib markii loo magacaabay inuu noqdo madaxweynaha madasha dhaqaalaha iyo jeeb-weynayaasha aduunka ee World Economic Forum. 

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg oo Brende ay isku xisbi yihiin iyo gudoomiyaha xisbiga shaqaalaha Jonas Gahr Større ayaa labuduba hambalyo u diray wasiirka xilka kasii dagi rabo.

Brende ayaa agaasime ka ahaa madasha WEF intii u dhaxeysay 2008-2009, isaga maamulaha guud isla madashaas ka noqday sanadkii 2011, wuxuuna xilkaa hayay ilaa 2013 markaas oo Erna Solberg ay u magacowday wasiirka arimaha dibada dalkan Norway.

Brende ayaa magaalada Muqdisho booqasho ku tagay sanadkan 2017, isaga oo halkaas kula kulmay madaxda dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna ahaa masuulkii ugu sareeyay ee Norwiiji ah ee Soomaaliya booqasho ku tago mudo sanado ah.  Bishii May ayuu sidoo kale magaalada Doha kula kulmay reysulwasaaraha Soomaaliya, Hassan Ali Kheyre.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments