Warbixin cusub:72% caruurta ay dhaleen soo galootiga, ayaa sanadkii hore dhameeyay dugsiga sare ee Norway

0
285
Foto: SSF Sawirka: Kulanka dhiirigalinta waxbarashada ee ururka ardeyda soomaaliyeed ee Norway

Sida laga soo xigtay tirokoob ay sameysay wasaarada waxbarashada Norway, 72% caruurta ay dhaleen dadka soo galootiga ah ayaa sanadkii lasoo dhaafay dhameeyay dugsiga sare ee dalkan Norway, iyada oo sanadkii 2013 ay tiradaas aheyd 66%.

Waxaana 3 sano gudahood tirada caruurta ay soo galootigu dhalaan ee dhameeyo dugsiga sare ku yimid kor u kac dhan 6%. Waxeyna hada la simanyihiin  tirada guud ee  ardeyda dhameyso dugsiga sare wadanka oo dhan.

Inkasta oo tirada ardeyda soo galootiga ah ee dhameysa dugsiga sare, hadana Wasiirka cusub ee waxbarashada dalkan Norway Henrik Asheim ayaa aaminsan in wali uu jiro farqi weyn uu dhaxeeyo ardeyda. Wuxuuna sheegay in tirada ardeyda soo galootiga ah ee ka dhaca dugsiga sare ay wali aad u badantahay. Sidoo kale in tirada gabdhaha dhameeyo dugsiga sare ay aad uga sareyso tan wiilasha.

Wasiirka waxbarashada ayaa raaciyay in inkasta oo uu muuqdo horumar, hadana aan wali la gaarin meeshii la rabay. isaga oo sheegay in qofku uu dhameeyo dugsiga sare, ay qofka siineyso fur sad weyn oo uu shaqo ku helo ama uu aqoon sare kusii qaato.

Xigasho/kilde: ABC-NYEHTER.   Nettavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments