Waa walaalo ka wada tirsan baarlamaanka, balse kala matala labo xisbi oo kala duwan

0
113

Kadib markii uu soo baxay liiska kama dambeysta ah ee xildhibaanada baarlamaanka dalkan Norway ee sanadka 2017-2021, waxaa midba dhankiisa kasoo muuqday Nils Kristen Sandtrøen iyo Per Martin Sandtrøen oo ah labo siyaasi oo walaalo ah, isla markaana baarlamaanka kasoo galay hal magaalo iyo hal gobol.

Inkasta oo Nils iyo Per ay wadaagaan wax walba, hadana waxey ka kala tirsanyihiin, ayna baarlamaanka ku kala matalaan labo xisbi. Nils waa Ap, halka Perna uu yahay Sp. Ku darso, waxey ololaha doorashada ka wada galeen hal gobol, iyada oo midba uu rajeynayay inuu kan kale booska ka qaado. Maadaama xisbiga Sp uu aad ugu xooganyahay gobolka Hedmark, waxaa labuduba u suurtogashay inay baarlamaanka soo galaan sanadkan.

Odey iyo gabadhiisa: Labo xisbi oo kala duwan

Sidoo kale waxaa sanadkan baarlamaanka ku kulmay Christian Tybring-Gjedde oo kamid ah xagjiriinta waaweyn ee xisbiga Frp iyocMathilde Tybring-Gjedd oo xisbiga Høyre mataleyso. Odeygan xagjirka ah iyo gabadhiisa ayaa dooda baarlamaanka isaga hor iman doono iyaga oo kala wata ajende xisbiyeed oo kala duwan.

Nin iyo xaaskii xildhibaano wada ah:

Wasiirada dhaqanka Norway Linda Hofstad Helleland oo xisbiga Høyre katirsan ayaa sanadkan baarlamaanka mar labaad soo gashay, waxaana isna dhankiisa kasoo galay ninkeedacTrond Helleland oo isna Høyre katirsan.

Maxaan ka baran karnaa hadii aan nahay soomaali, gaar ahaan reer Norway? 

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments