(Video): Germany: Diyaarad 1977-dii loo afduubtay Soomaaliya oo Germany dib loogu celiyay

0
157

Diyaarad nooca rakaabka qaada ah oo sanadkii 1977-kii ay kooxo Falastiiniyiin ah afduubteen, isla markaana ay kala dageen garoonka magaalada Muqdisho ayaa 40 sano kadib dib loogu soo celiyay dalka Germany. Waxaana la dhigi doonaa Masxaf xusuus keydsi ah.

Diyaaradan ayaa waxay iska lahaa shirkada diyaaradaha ee Lufthansa. Kooxaha falastiiniyiinta ah ee diyaarada afduubtay ayaa dalbanayay in xabsiga laga sii daayo shaqsiyaad katirsan koox taageersaneyd qadiyada reer Falastiin, kuwaas oo lagu xiray wadankii xiligaas la oran jiray Germanida Galbeed.

Ciidamo katirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Germany ayaa garoonka magaalada Muqdisho howgal ku qaaday, waxeyna soo furteen rakaabka diyaarada, iyaga oo dilay sadex kamid ahaa kooxihii afduubta geystay ee Falastiin. Gabar ka hartay ayaa markii danbe Muqdisho lagu maxkamadeeyay, waxaana markii danbe loo musaafuriyay dalkeeda.

Xigasho/kilde: VG.NO

Halkan ka daawo sheekada afduubta diyaaradan oo Af-soomaali ah:

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments