Venstre oo ay u badantahay inay dowlad la dhistaan Frp iyo Høyre.

0
142
Trine Skei Grande= Gudoomiyaha Venstre

Sida ay qorayaan qaar badan oo kamid ah warbaahinta dalkan Norway, oo soo xiganayo xubno katirsan xisbiga Venstre, waxaa loo badinayaa in Venstre ay xukuumad la dhistaan Høyre iyo Frp oo doorashadii kahor ay sheegeen ineysan waxbo la wadaagi doonin. Venstre ayaa ku cel-celinayo inay rabaan inay xukuumad la dhistaan Krf iyo Høyre, laakiin waxaa muuqato inaysan heysin doorasho kale, maadaama ay rabaan inay ka faaíideystaan fursadan mar labaad soo martay.

Madaxda gobolada ee xisbiga Venstre ayaa gudoonka xisbiga ku cadaadinayo inay galaan dowlada, intii ay banaanka ka qeylin lahaayeen.

Hadii ay Venstre doortaan inay kamid noqdaan xukuumada Solberg, waxey Erna ku qasbanaan doontaa inay isbadal ku sameyso golaheeda wasiirada, isla markaana ay xilal ka qaado wasiiro katirsan Frp iyo Høyre. Venstre ayaa mar horeba siii calaamadsaday wasaarado ay kamid tahay waxbarashada, waxeyna sidoo kale sheegeen inay rabaan jagooyinka dhowr wasiir oo kale.

Xisbiga kale ee KRF ayaan ilaa hada wax war ah kasoo saarin waxa ay ka yeeli doonaan la shaqeynta Frp iyo Høyre. Waxaa wali socdo wadahadalada ay Erna kula jirto madaxda xisbiyadaas, iyada oo isku dayeyso inay ka dhaadhico qorshe wadashaqeyn afar sano oo cusub ah.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments