UDI: Sharcigu wuu ogolaan karaa in ninku uu labo xaas yeesho, waase goormee?

0
291

Waxaa maalmahan warbaahinta Norway aad looga hadalhayay arin ku saabsan in ragga u dhashay dalka Pakistan ee kunool Norway, ay xaasas labaad ku leeyihiin wadankoodii, isla markaana caruuraha ay xaasaskaas u dhalaan loo keeno Norway. Arintan ayaa soo shaac baxday kadib markii shaqaalaha safaarada dalka Pakistan ee Norway ay qeylo dhaan kasoo saareen  arintaas, waxaana nuqul kamid ah qoraalada safaarada helay tv-ga qaranka Norway ee NRK.

Sharciga Norway ayaa diidayo in qofku uu yeesho labo xaas, wuxuuna qofku ku muteysan karaa ciqaab xabsiyeed. Laakiin hey´ada socdaalka iyo jinsiyadaha Norway ee UDI-da ayaa sheegtay in ragga soo galootiga ah ay heli karaan wado kale oo u saamaxeyso inay labo xaasleyaal noqdaan.

UDI-da ayaa sheegtay in hadii la fiiriyo sida uu hada u dhiganyahay sharciga Norway iyo xeerarka ciqaabtu, aysan jirin wax diidi karo in ragga soo galootiga ay xaas ku yeeshaan wadankii ay kasoo jeedeen, midna ay Norway ku qabaan. Waase hadii sharciga wadankaas uu qofku ku leeyahay xaaska labaad uu ogolyahay in qofku uu xaasas badan yeesho. Paakistaan iyo Soomaaliya oo ah wadamada ay UDI-du  u cuskuneyso hadalkan ayaa ah wadamo ay sharci ahaan iyo dhaqan ahaanba ay caadi tahay in raggu ay xaasas badan yeeshaan.

Caruurta ay dhasho xaaska uu ninku qabo ee kunool wadankii uu kasoo jeeday, waxey xaq u heli karaan inay Norway imaadaan marka ay rabaan, ayna qaataan dhalashada Norway. Sidoo kale xaaska kunool wadankii uu ninka kasoo jeeday ayaa xaq u yeelan karto inay Norway timaado, waase hadii ay kala tagaan ninka, isla markaana ayna usoo dacwoodaan ilmaheedu. Sharciga ayaa diidayo in qofku uu halmar labo xaas ku qabo Norway.

 UDI-da ayaa warbaahinta u sheegtay ineysan ilaa hada jirin kiisas badan oo noocan oo kale ah, sidaas darteed aysan u arkin khatar weyn, isla markaana aysan fursad u heli karin inay baaritaan iyo waqti ku bixiyaan. Waxeyna dhanka kale sheegeen ineysa heyn tiro koob sax ah oo sheegi karo tirada ragga labo xaaslayaasha ah ee xaas ku leh Norway, midna ku leh wadankoodii.

Xigasho/kilde: NRK.NO, Nettavisen.no. 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments