Sweden: Booliska Austria oo soo qabtay nin soomaali ah oo Sweden xaaskiisa faas ku dhaawacay

0
178
Foto: Booliska Sweden

Booliska dalka Austria ayaa soo qabtay nin katirsanaa soomaalida Sweden, kaas oo sanad kahor xaaskiisa ku dhaawacay faas, kadibna isaga baxsaday dalka Sweden. Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Khadar Abdi , isla markaana 38 sano jir ah ayay booliska Sweden si aad ah u raadinayeen, wuxuuna magaciisa safka hore kaga jiray liiska dadka loogu raadinta badanyahay dalka Sweden.

Sanadkii 2016 ayaa ninkan iyo xaaskiisa oo wada degenaa Sweden, waxaa dhexmartay muran kaas oo ugu danbeyn sababay inuu xili habeen ah uu madaxa faas kaga dhufto, isla markaana gaarsiiyo dhaawac xoogan. Wuxuu intaas kadib u baxsaday dalka Austria, halkaas oo uu ku joogay magac cusub oo been ah, wuxuuna halkaas ku sameystay xaas kale. Khadar ayaa Sweden yimid sanadkii 2013-ka, halkaas oo uu kunoolaa ilaa sanadkii hore, markaas oo geystay falkan, kadibna uu u baxsaday Austria.

Booliska Sweden ayaa ninka ku eedeeyay kiis isku day dil ah, waxeyna macluumaadkiisa u gudbiyeen hey´adaha amaanka ee dalalka yurub, taas oo ugu danbeyn sababtay in laga soo qabto dalka Austria.

Xigasho/kilde: Haute.at

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments