Sweden: Adeega daryeelka caafimaadka ee Sweden oo loo codeeyay inuu yahay kan ugu fiican aduunka

0
149

Warbixin cusub oo ay soo saartey jaamacadda Washington ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegey in adeega caafimaad ee dalka Sweden uu yahay kan ugu wanaagsan aduunka oo dhan.

Baaritaankan cusub ee caalamiga ah ayaa waxaa dabagal dhanka adeega daryeelka caafimaadka ah lagu sameeyey 195 dal oo aduunka ah, waxaana laga fiirinayay guud ahaan qaabka daryeelka caafimaad ee dalalkaasi ay leeyihiin, sida ay dhimashada uga badbaadiyaan dadka bukaan socodka ah ee booqdo xarumaha caafimaadka iyo daryeelka  hooyada iyo dhalaanka.

Sidoo kale waxaa la fiirinayay sida ay u badbaadiyaan dadka wadnaha looga soo boodo, sida ay ula tacaamulaan dadka uu soo rito cudurka kansarka, dadka qaba cudurka sonkorta, iyo u dhabagalka xaaladaha caafimaad ee dadka qaba cudurada kala duwan ee soo booqdo xarumaha caafimaadka.

Dalalka qaarada Africa, Afgaanistaan iyo Haito ayaa kamid ah wadamada ay warbixintaas aadka uga deyrisay adeegooda daryeelka caafimaadka.

Xigasho/kilde: Radio-Sverige

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments