Soomaalida Norway oo caro ka muujiyay cabsi galinta soomaalida oo ay Norway ku bixisay lacag 4 milyan ah

0
106

Waxaa dhawaan soo baxday arin fadeexad balaaran iyo wajigabax ku noqotay wasaarada cadaalada dalkan Norway, taas oo ku saabsaneyd in wasaaradu ay 4 milyan ah ku bixisay qorshe looga cabsigalinayo soomaalida, si aysan Norway xageeda usoo aadin. Waxaana howshaas lafdhabar u ahaa shaqaale soomaali ah, kuwaas oo ka shaqeeyo xafiiska IOM ee magaalada Nairobi.

Wasaarada cadaalada ayaa lacagtaas tirada intaas le´eg ku bixisay cabsi galinta dad magangalyo doon ah oo xiligaas kasoo qaxayay wadan ay ka socdeen colaado sokeeye. Waxaana ay sameeyeen sawiro kartoon, filimo, waraaqado iyo codad matalaad ah, kuwaas oo tahriibayaasha soomaalida loogu sheegayo ineysan Norway dhankeeda soo aadin. Maadaama Norway ay tahay ay ka jirto cunsuriyad iyo qabow, isla markaana uusan qofku ka heleynin nolosha uu ku haminayo.

Wargeys katirsan wargeysyada yar-yarka ee dalkan Norway ayaa booqasho ku tagay xaafada Grønland oo ay soomaalidu ku badantahay. Wuxuuna kula kulmay  dad soomaali ah oo uu ka wareystay fikirkooda ku aadan fadeexadan cusub ee soo baxday.

Soomaalida u warantay wargeyskaas ayaa sheegay in waxyaabaha lagu soo bandhigay qoraaladaas aysan aheyn kuwa runta ka sheegayo xaalada dhabta ah ee soomaalida dalkan Norway.

Halkan ka daawo warbixinta, sawirada iyo muuqaalada uu wargeyskaas ka diyaariyay soomaalida Oslo. 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments