Natiijada hordhaca ah ee doorashada germany oo soo baxday: Yaa hogaaminayo?

0
147
Merkel, Germany

Waxaa saacad kahor soo baxday natiijada hordhaca ah ee doorashada madaxtinimo ee dalka Germany, taas oo sanadkan aheyd mid aad loo wada sugayay.

Xisbiga Angela Merkel oo ee CDU oo talada dalkaas hayay 12 sano oo xiriir ah, ayaa mar kale noqday xisbiga codadka ugu badan helay doorashadan, inkasta oo uu ku yimid hoos u dhac muuqdo. CDU ayaa natiijada ilaa hada lasoo gudbiyay helay 33%, waxeyna u muuqataa in Merkel ay mar kale soo hogaamin doonto Germany afar sano oo cusub.

Xisbiga kale dhinaca bidix ee SPD ayaa ilaa hada ah xisbiga labaad ee codadka ugu badan ka helay doorashada. Waxeyna heleen 21% ilaa hada codadka la tiriyay.

Xisbi xagjir ah oo baarlamaanka soo galay:

Waxaa markii ugu horeysay taariikhda baarlamaanka Germany kamid noqon doono xisbiga xagjirka midigta fog ee AFD. Iyada la saadaalinayo inay heli doonaan 13% codadka doorashada. Xisbigan ayaa ah xisbi xagjir ah, isla markaana kasoo horjeedo soo galootiga, laguna tiriyo inuu yahay xisbi taabacsan fikirkii Nazigii hitler ee dalkaas 75 sano kahor ka talin jiray.

Hadii natiijada doorashada ee kama dambeysta ah ay kusoo dhamaato qaabka ay hada u egtahay, waxay Merkel ku qasbanaan doontaa inay taageero ka raadiso xisbiyo yar-yar, kuwaas oo laga yaabo inay caqabad ku noqon doonaa siyaasadii ay Germany ku hogaamineysay 12-kii sano ee ugu danbeeyay.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments