Muxuu kusoo dhamaaday mooshinkii laga keenay Reysulwasaaraha Sweden

0
107
Reysulwasaaraha Sweden: Stefan Lofven

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa baarlamanka dalka Sweden  horkeenay mooshin ay ku dalbadeen in kalsoonida loogala noqdo reysulwasaaraha Sweden Stefan Löfven (S). Iyaga oo mooshinkaas sabab uga dhigay qaabkii uu u maareeyay fadeexadii IT-ga ee isbuucyo kahor hareysay hey´ada gaadiidka dalkaas.

Shaley oo jimce aheyd ayaa codka kalsoonida loo qaaday mooshinkaas, 43 ayaa u codeeyay in Stefan xilka laga qaado, halka 136 ay kasoo horjeesteen, iyada 155 ay ka aamuseen. Waxaa halkaa kusoo xirmay qorshihii xisbiga xagjirka Sweden ee SD ay rabeen inay xilka kaga tuuraan Stefan, si usoo dadajiyaan doorashada, isla markaana ay xukunka si uun usoo fuulaan ama uga mid noqdaan.

Xigasho/kilde: Radio-Sverige-Somali

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments