(Maqaal): Solberg 2004: Waxaan ka cabsi qabaa in Trondheim ay noqoto magaalada ay soomaalidu ugu badantahay Norway

0
182
Foto: CF Wesenberg

W.Q: Yuusuf Maxamed Ibrahim.

Erna Solberg 2004: Waxaan ka cabsi qabaa in Trondheim ay noqoto magaalada ugu weyn ee soomaalida ay degto.

Høyre-Trondheim 2017: Soomaalidu ha u codeyso Erna Solberg


Sanadku waa 2004, waxaa markaas Norway ka talisa xukuumad wadaag ah oo ka  dhaxeysa xisbiyada Høyre, Venstre iyo KRF. Reysulwasaaraha xiligaas waxaa ahaa Kjell Magne Bondevik oo ahaa gudoomiyaha xisbiga KRF.

Erna Solberg oo hada ah reysulwasaaraha Norway, waxey xiligaas aheyd wasiirka degmooyinka iyo gobolada. Sidoo kale waxaa 7 bilood kahor markaas loo doortay inay noqoto gudoomiyaha Høyre, waxeyna aheyd xildhibaan katirsan baarlamaanka.

Golaha deegaanka Trondheim ayaa bishii September ee sanadkii 2004 soo saaray soo jeedin ay sheegeen inay cunto, kaalmo dhaqaale iyo hoy ay qabowga ka galaan siinayaan qoxootiga magaalada kunool ee aan heysan sharciga magangalyada.

Isla maalinkiiba waxaa go´aankaas war kasoo saaray wasiirkii deegaanka, ahna maanta reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg. Waxeyna sheegtay in hadii arintaas la dhaqangaliyo ay keeneyso in boqolaal qof oo bariga afrika kasoo jeedo ay kusoo qulquli doonaan Trondheim, isla markaana ay ka cabsi qabto in Trondheim ay noqoto magaalada ugu weyn ee soomaalida ay degentahay. (Hoos ka akhriso linkiyada warbixinadii Erna Solberg ee digniinta soomaalida).

Erna Solberg ayaa sheegtay in dadka loo diiday magangalyada ay tahay in loo celiyo wadankoodii, aysana xaq u laheyn in la siiyo dhaqaale iyo cunto. Waxey raacisay in wadamo ay kamid tahay Soomaaaliya aysan ogoleyn in dadkooda ay dib u qaabilaan, sidaas darteed ay muhiim tahay in dadkaas ay si iskood ah ay wadankoodii ugu noqdaan. Go´aanka golaha deegaanka Trondheim-na uu arintaas qal-qal galinayo, isla markaana uu hoy iyo gabaad siinayo soomaalida.  Solberg ayaa sii raacisay in arintaas ay keeneyso inay kor u kacdo amaan darida magaalada.

Wasiiro kala tirsanaa dowlada iyo xisbiyada mucaaradka waxaa eedeyn kulul loo jeediyay Erna Solberg, iyada oo lagu eedeeyay in hadalkeedu uu ahaa mid qalafsan oo aan aheyn hadalka qof wasiir ah.

2017: Høyre Trondheim: Erna Solberg u codeeya. 

13 sano kadib hadalkaas Erna Solberg, waxaa maanta magaalada Trondheim degan boqolaal soomaali ah, waxeyna Trondheim kamid tahay magaalooyinka ugu waaweyn oo ay soomaalidu degantahay wadankan Norway. Jaamacada Trondheim ee NTNU oo kamid ah jaamacadaha ugu tayo fiican Scandenavianka waxaa dhigto ardey badan soomaali ah oo magaalada degan iyo kuwo magaalooyinka kale ka yimid.

Xisbiga Høyre qeybtiisa Trondheim ayaa maalmahan waday muuqaalo ay soo galinayaan baraha bulshada, kuwaas oo ay soomaalida magaaladaas uga codsanayaan inay Høyre u codeeyaan, iyaga oo adeegsanayo dad soomaali ah oo xisbiga magaalada katirsan.

Su´aasha waxa ay tahay maxaa isbadalay mudadii 13-ka sano ahaa ee lasoo dhaafay? Ma Erna iyo Høyre ayaa sidii ay markaas ahaayeen wax iska badalay, mise soomaalida ayaa noqotay si ka duwan sidii ay Erna rajeynaysay, oo hada waxaa la weydiisan karaa inay Erna u codeeyaan?

Anigan qoraalkan qorayo, waxaan markaas ahaa qof aan sharci ku heysan Norway, waxaana degenaa magaalada Trondheim. Sanad iyo bar kadib ayay maxkamad ii ogolaatay inaan magangalyo ka helo Norway, waxaana maanta ahey muwaadin norwiiji ah oo codkiisa dhiiban kara. Hadii talada Solberg la raaci lahaa xiligaas, maanta ma aanan joogeyn Norway.

Linkiyada: Trondheim blir Somalias største by,   Trondheim – Somalias største by?

W.Q: Yuusuf Maxamed Ibrahim.


Hadii aad rabto inaad nala wadaagto aqoontooda, khibradaada, fikirkaaga iyo hamigaaga, waxaad qoraalkaada noogu soo diri kartaa: Norsomnews@gmail.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments