KRF: Ma taageeri doono xukuumad Høyre iyo FRP kali ah.

0
176
Gudoomiyaha KRF:Knut Arild Hareide

Xisbiyada midigta oo ay hogaamineyso Erna Solberg ayaa guul lixaad leh kasoo hoyiyay doorashada, iyaga 10 kursi dheeraaday xisbiyada kale ee bidixda ee tartanka adag kula jiray. Inkasta oo afartaas ay ka guuleysteen xisbiyadii ay la tartamayeen, hadana waxaa dhexdooda wali u dhiman tartan kale, iyada oo aysan cadeyn qaabka ay u wada shaqeyn doonaan.

Erna Solberg ayaa sheegtay inay wadahadal isugu yeeri doonto xisbiyadaas, ayna rajo weyn ka qabto inay isla meel dhigaan awood qeybsiga dowlada afarta ee soo socoto.

Venstre ayaa dhankooda sheegay in xisbiga dhexdiisa ay wada-hadal isugu noqon doonaan, ayna ka tashan doonaan waxa ay ka yeeli doonaan natiijada doorashada iyo qaabka ay u wajihi doonaan afarta sano ee soo socoto.

KRF ayaa iyagu warkooda cadeeyay, waxeyna sheegeen inay mucaarad noqon doonaan hadii aysan xukuumad wada dhisan xisbiyada Høyre iyo Venstre. Gudoomiyaha xisbiga KRF ayaa caawa mar kale ku celiyay in xisbigiisu san taageeri doonin xukuumad ka kooban Høyre iyo FRP.

FRP ayaa baarlamaanka ka helay kuraas dhan 28, isla markaana ka badan isku kuraasta ay heleen KRF iyo Venstre. Waxeyna heystaan xujo adag oo ay Erna kula gor-gortamaan.

Lama yaqaan qaabka ay xisbiyadan usii wada shaqeyn doonaan, iyo sida ay Erna rabto inay isugu keento xisbiyadan isdiidan.

 

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments