Ap: Waxaan wax ka badali doonaan shaqada wasiirka arimaha soo galootiga

0
110

Gudoomiyaha xisbiga Ap, Jonas Gahr Større, ahna musharaxa reysulwasaare ee xisbiyada garabka bidixda ayaa sheegay in hadii xisbigiisu uu ku guuleysto doorashadan, ay wax ka badali doonaan shaqada wasiirka soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada oo uu sheegay inay muhiim u tahay isku xirnaanta iyo wada noolaanshaha qeybaha bulshada dalkan Norway.

Jonas ayaa Erna Solberg ku eedeeyay inay shaqada wasiirka soo galootiga oo ah shaqo u baahan muujinta iskuduubnida bulshada  ay siisay xisbi aad usoo nooleynaya kala qeybsanaanta bulshada, isla markaana ka danbeeya fikirka kooxaha xagjirka midigta fog.

Wuxuu tusaale usoo qaatay heshiis ay xisbiyada baarlamaanka galeen sanadkii 2015, kaas oo uu sheegay inay aheyd in loo adeegsado siyaasad isku duubni iyo isku soo dhaweyn. Balse wuxuu sheegay in Erna ay dooratay wasiir katirsan Frp oo uu sheegay inay qodob walbe oo heshiiskaas katirsan ay u adeegsatay kala qeybinta bulshada iyo iska horkeenkooda.

 

Xigasho/kilde: Vårt-land.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments