Jonas G. Støre oo meesha ka saaray inay la shaqeeyaan xisbiga KRF!

0
117

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ap, isla markaana ah musharaxa reysulwasaare ee xisbiyada bidixda, Jonas Gahr Støre ayaa sheegay in xisbigiisu uu ka noqday rabitaankii ahaa la shaqeynta xisbiga KRF, kadib markii uu KRF shaley sheegay inuusan ridi doonin xukuumada Erna Solberg ee Høyre iyo FRP.

Jonas ayaa sheegay inay wadashaqeyn ka raadin doonaan oo kali ah xisbiyada raba in Ap uu hogaamiyo dowlada, isla markaana raba in xukuumada Erna Solberg laga tuuro xukunka. Isaga oo sheegay in KRF ay ula dhaqmi doonaan sida xisbiyada kale ee raba inay mucaaradka ku noqdaan dowlad uu Ap hogaamiyo.

Gudoomiyaha Ap ayaa sidoo kale sheegay in kadib hadalkii shaley kasoo yeeray KRF, ay cadahay in qofkii u codeeyo KRF iyo Venstre, ay lamid tahay isaga oo u codeeyay FRP Wuxuuna raaciyay in dadka raba inay Erna iyo KRF ay meesha ka banaan, ay ku qasbanyihiin inay u codeeyaan Ap.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments