Gudoomiyaha Rødt: Dadku makala garan karaan farqiga u dhaxeeyo Høyre iyo Ap.

0
159
Gudoomiyaha Rødt: Bjørnar Moxnes..

Isbuucyadii ugu danbeeyay waxaa codbixino lagu qaaday qaab online ah ka muuqanayay in xisbiga Ap uu ku yimid hoos u dhac mug leh, iyada oo dadka ugu badan ee Ap ka tagay ay ku biireen xisbiyada yar-yar ee garabka midigta, sida SV, MDG, Rødt iyo waliba Sp.

Gudoomiyaha xisbiga Rødt oo kamid ah xisbiyada yaryar ee doorashadan aadka uga rajo qabo inay baarlamaanka mar uun kamid noqdaan ayaa sheegay in isbadalka siyaasadeed ee xisbiga Ap uu keenay hoos u dhacaas. Wuxuuna raaciyay in dadku aysan kala garan karin Ap iyo Høyre, marka laga hadlayo siyaasada soo galootiga.

Gudoomiyaha xisbiga Ap, Jonas Gahr Større ayaa dhowr mar sheegay in xisbigiisu uusan wadashaqeyn la yeelan doonin xisbiga Rødt,  laakiin waxaa muuqato inay dhici karto inay taageero weydiistaan Rødt, hadii ay helaan 30% codadka doorashada.

Rødt ayaa rajeynayo in Ap uu taageero soo weydiisto, si ay aqlabiyad ugu helaan go´aanada siyaasadeed ama  miisaaniyada sanadlaha ah.

Xigasho/kilde: NTB

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments