Germany: Wiil soomaali ah oo soomaali kale mindi ku dilay Büsum

0
219

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso dhowr ilo wareed oo ku sugan dalka Germany, waxaa maanta magaalada Büsum mindi lagu dilay wiil soomaali ah, waxaana dilkiisa ka danbeeyay wiil kale oo soomaali ah oo ay guri ku wada noolaayeen.

Marxuumka geeriyooday ayaa magaciisa naloogu sheegay Ahmed. Sida ay soo tabinayaan qaar kamid warbaahinta soomaaliyeed ee dalka Germany, wiilka la dilay ayaa maanta galinkii hore gabar mehersaday, iyada oo maanta galinkii danbena mindi lagu dilay.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay wiilka soomaaliga ah ee kale ee ka danbeeyay falka dilka ah, waxaana lasoo sheegayaa in wiilka dilka geystay uu mudooyinkii ugu danbeeyay uu la ildarnaa xanuun dhanka maskaxda ah.

Dalka Germany oo mudooyinkii ugu danbeyay ay soo galeen kumanaan qoxooti dhalinyaro soomaali ah, ayaa waxaa kusoo badanayo falalka dilka ah oo ay isku geystaan dhalinyarada soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments